Deeq A. Posted October 17, 2020 General Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay safar dhinac dhulka ah ku tegay degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey saraakiisha ciidamada dowladda, mas’uuliyiinta Luuq iyo shacabka degmadaasi. Socdaalka Odowaa ayaa la xiriira mid ugu kuur galayo xaaladda guud ee gobolka Gedo iyo dhaq-dhaqaaqyada ay gobolkaasi ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa sidoo kale horey u booqday magaalooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaas oo uu kula kulmay maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidanka dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobolka Gedo oo dhaca K/ Soomaaliya, islamarkaana hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland. Todobaadkii la soo dhaafay ayey sidoo kale aheyd markii ay dowladda Soomaaliya askar dheeraad ah ku kordhisay ciidamada Xoogga dalka ee haatan ka howl-gala gobolkaasi, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites