Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Booliiska dalka Koonfur Afrika oo xir-xiray Soomaali badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Illaa 13 ruux oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ciidamada Booliiska dalka Koonfur Afrika ay gacanta ku dhigeen, kadib howlgal ay ka sameeyeen warshad dib loogu farsameeyo waxyaabaha dhacay.

Booliiska Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay 13-ka qof ee Soomaalida oo ay gacanta ku dhigeen in ay farsameynayeen waxyaabo dhacay, si mar kale ay ugu iib-geeyaan, taasi oo oo Booliisku tilmaamay in ay qatar ku tahay faya qabka bulshada.

Ragga Booliisku ay qabteen ayaa la sheegay inay ku wareejiyeen hay’adaha dambi baarista, si dabagal loogu sameeyo.

Sidoo kale ciidamada Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay burburiyeen agab dhacay oo dib loo farsameeyeyey, si looga hortaggo in bulshada laga iibiyo

Soomaali aad u fara badan ayaa ku sugan gudaha dalka Koofur Afrika, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this