Sign in to follow this  
Deeq A.

Immisa lacag ah ayuu Mareykanka ku bixiyey gargaarka Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ku dhowaad saddex boqol milyan oo dollar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaarida dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

Deeqdan oo ay fulisay hay’adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareysay 275 milyan, taas oo lagu iibiyey raashiin iyo agabka wax lagu cuno.

Dadka la siiyey gargaarkaas ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa raashiinka waqtigan oo Soomaaliya ay xaalad adag oo dhanka bani’aadannimada ka jirto.

Fatahaadaha, Ayaxa iyo cudurka safmareenka ah ee COVID -19 ayaa sii murjiyey xaaladda dadka tabaaleysan.

In ka badan shan milyan ayaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee haatan u baahan gargaarka deg deg ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this