Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo ka bad-baaday isku day dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhajiska ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray gudoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Mudug ee Puntland, Maxmuud Cismaan Aadan, kaas oo la soo wariyey inuu ka bad-baaday falkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay wax ka dhaceen ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Illaa iyo hadda lama shaacin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo burbur xoogan oo gaaray baabuurka mas’uulka lagu weeraray qaraxaas.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha Gaalkacyo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this