Sign in to follow this  
Deeq A.

Gedo oo lagu soo bandhigay saddex dagaalyahan oo isaga baxay kooxda Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Miltariga Soomaaliya ee gobolka Gedo oo kaashanaya maamulka dagmada Beled-Xaawo ayaa soo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen iney kasoo baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Raggaan la sheegay iney isi soo dhiibeen waxaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay  Qori AK47 & Cabdicasiis Maxamed Koosaar.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Gedo, taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada  Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin iyo taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa kusoo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo.

Saddexdaan shaqsi waxey Al-Shabaab u qaabilsanaayeen iney uga shaqeeyaan deegaanno ka tirsan goobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse haatan waxey ku jiraan gacanta ciidanka dowladda.

Dhawr jeer ayey horay u dhacday in dagaalyahanno kasoo baxay Al-Shabaab ay kusoo biiraan ciidanka Dowladda, sidoo kalana waxaa mar dhacday in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay qudhooda soo bandhigeen rag ay sheegeen iney kasoo baxeen ciidanka Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geystay gobolka Gedo, waxaana jiray maalmahii ugu dambeeyay xiisado u dhaxeeya ciidamada Kenya ee aan ka mid aheyn kuwa nabad ilaalinta AMISOM iyo dadka deegaanada xadka labada dal.

The post Gedo oo lagu soo bandhigay saddex dagaalyahan oo isaga baxay kooxda Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this