Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax iyo dagaal ka dhacay G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax xoogan lagula eegtay deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala eegtay ay ka yimaadeen dhanka degmada Buulo-Barte ee isla gobollkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this