Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo si kulul uga hadlay qoraalkii Cali Cosoble ee ku saabsanaa Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa aragti ka dhiibtay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee mucaaradka dowladda dhexe ayaa si weyn ula yaabay qoraalka uu soo dhigay masuulkii hore Hirshabelle, wuxuuna u sheegay inuu ka gabay doorkiisii odaytinimo, sidoo kalana qoraalka uu soo qoray uu wax u dhibayo mansabkiisa iyo miisaankiisa.

Cosoble wuxuu bulshada reer Hiiraan ugu baaqay iney sameystaan maamul u gaar ah taasoo ay ka dhalaneyso in lasoo faragaliyo, taasna ay tahay kaliya halka arrin oo ay cadkooda ku dhacsan karaan.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay iney ka hortagaan waxa uu ugu yeeray fowdo, isagoo si gaar ah ula hadlay beesha Xawaadle.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD:

Cosoble-2-1.jpg

The post Mahad Salaad oo si kulul uga hadlay qoraalkii Cali Cosoble ee ku saabsanaa Hirshabelle first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this