Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo diray fariin ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha oo qudbad laga siiyay furitaanka Jaamacad laga hirgaliyay magaalada Guriceel ayuu sheegay iney diirada saari doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen wax walba oo ka imaanaya Al-Shabaab.

Axmed Qoorqoor wuxuu sidoo kale sheegay in dadka reer Galmudug lagu xanto iney colaad ka jirto deegaanadooda, balse aysan taasi aqbali doonin, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli mudooyinkii dambe ay qalalaaso ka dhaceen deeganaadaas.

Al-Shabaab ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameeyaan Galmudug, sidaas darteed maamulka uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor waxey isha ku hayaan iney taxadar u yeeshaan halista ka imaan karta kooxdaan.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey ku xoogan yahiin Koonfurta iyo Baramaha Soomaaliya, waxeyna mudooyinkii dambe kordhiyeen hawlgallada ay ka sameeyaan Soomaaliya maadaama lagu sii dhawaanayo wakhtigii doorashooyinka.

The post Madaxweynaha Galmudug oo diray fariin ka dhan ah kooxda Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this