Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo DF uga digay iney fashiliso heshiiska doorashada ee la gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday iney diyaar u yahiin doorashada lagu heshiiyay, balse uu ka digayo in la fashiliyo heshiisyadii lagu gaaray Muqdisho.

Xasan Sheekh oo wareysi siinayay SAAB TV ayaa ka jawaabay warar sheegaya in kooxaha mucaaradka aysan wakhtigaan u diyaarsaneyn iney ka qeyb galaan doorasho, wuxuuna si cad u xaqiijiyay iney diyaar yahiin.

Madaxweynahii hore wuxuu sheegay ineysan jirin wax baqdin ah oo ay ka qabaan iney ka qeybgalaan doorashada, balse taas badalkeeda uu ka digayo in la fashiliyo heshiis walba oo ay gaareen dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu qabaa in magacaabis la’aanta golaha wasiirada xukuumadda cusub aysan saameyn ku yeelan doonin arrimaha doorashooyinka.

Sida lagu heshiiyay bishaan ayey doorashooyinka dalka bilaabmayaan, waxeyna socon doonaan ilaa February 2021, taasoo ah in muddo 5 bilood ah uu dalka ku jirayo marxalad doorashooyin ah.

Wali waxaa jira waxyaabo badan oo qabyo ka ah heshiiskii la gaaray, sidaas darteed waxaa walaac laga qabaa sida ay dowladda u maareyso caqabadaha jira ee ku hor-gudban in la amba-qaado hanaanka doorashooyinka.

The post Xasan Sheekh oo DF uga digay iney fashiliso heshiiska doorashada ee la gaaray first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this