Sign in to follow this  
Deeq A.

Danab oo sheegtay in ay dileen 50 Shabaab ah oo uu ku jiro horjooge sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa laga soo xigtay in ay weerar qorshaysan ku dileen 50 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Buulalow oo hoostimaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha Danab.

Xubnaha weerarka lagu dilay, waxa kamid ah horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Hawl-gelinta Gobolka Shabeellada dhexe oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Ciil Fiidow.

Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada Danab, sidoo kalena ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay warkaasi.

PUNTLAND POST

The post Danab oo sheegtay in ay dileen 50 Shabaab ah oo uu ku jiro horjooge sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this