Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Geedi oo digniin culus u diray siyaasiyiin la filayo inay ku loolamaan kursi xildhibaanimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa digniin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay ku howlanyihiin sameynta duubab iyo nabadoono, si ay xildhibaano ugu soo doortaan.

Waxa uu sheegay in dalku uu doorasho ku jiro, isla markaana ay jiraan duubab iyo nabadoono soo jireen ah oo aan siyaasad ku imaan.

“Mudullood Hiraab duubab soo jireen ah oo aan sidii xilal siyaasadeen loogu dhiibin, loona magacaabin ayaa xukuma, kuwaas oo ay horseed u yihiin Imaam Maxamed Yuusuf iyo garbihiisa, marka cidda ku riyooneysa kuwo kale inta sameysataan, oo ergooyin u qortaan, xildhibaano ha idiin soo doorteen, Iimaanka Allaha geliyo ayaan leenahay” ayuu yiri.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dadku ay hadda barteen ninka wax u gala, kaasna ay soo dooran doonaan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Cali Maxamed Geedi uu sanadkan qorsheynayo inuu tartamo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaana muuqata in korsiga uu doonayo Cali Geedi uu ka mid yahay kuraasta golaha shacabka ee ugu loolanka adag sanadkan, waxaana haatan ku fadhiya Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Hoos ka Daawo Cali Geedi

The post Cali Geedi oo digniin culus u diray siyaasiyiin la filayo inay ku loolamaan kursi xildhibaanimo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this