Sign in to follow this  
Deeq A.

Fact Check: Xarunta NEOC Ee uu Maanta Rooble Dhagax Dhigay, Sanadkii Hore Kheyre Ayaaba Sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mohamad Hussein Rooble ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha {Xarunta Howlgallada Degdegga ah ee Qaranka} ama National Emergency Operations center(NEOC)  oo ah xarun uu sanad kahor dhagax dhigay ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Xaruntan oo loogu talogalay iney xarunta dhaxe unoqoto  isku xirta dhammaan adeegga degdeg ah ee hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa waxaa horay October 13, 2019-kii u dhagax dhigay ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Sanad kadib, maanta waxaa dhacday xaflad kale oo lagu furay isla xaruntii, laakin waxaa markan xariga ka jaray ra’isul waasaraha cusub Maxamed Rooble.

Lama oga sababta ay u dhacday in hal xarun labo jeer loo furo, labo ra’isul wasaare xariga ka jaraa, cidda ay tahay in lagula xisaabtamo, laakin waxaa xaqiiq ah in waqti iyo hanti la geliyey, lagana yaabo in jidad loo xiray.

Sawirrada Maanta:

WhatsApp-Image-2020-10-15-at-4.02.55-AM. WhatsApp-Image-2020-10-15-at-4.01.52-AM.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this