Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo gadood uga baxay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo loo tababarayey kuwa Daraawiishta maamulkaasi ay maanta sameeyeen gadood, islamarkaana ay isaga baxeen xeradii ay ku jireen oo ku taalla gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Cidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubkooda ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka gaareen deegaanka Galinsoor ee isla gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay ku sii jeedaan dhanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo markii horeba laga keenay.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi uu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo qaar ka mid aha xildhibaanada mamaulkaasi, gaar ahaan kuwa laga soo doorto Gaalkacyo.

Ciidamada carada uga baxay Dhuusamareeb ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadkii la qarameeyey ee lagu wareejiyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay ay tababar ku qaadanayeen magaalada Dhuusamareeb.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this