Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka qarax geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay deegaanka Miirtakhwo oo hoos-yimaada degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in miinadu ay la kacday mooto ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaaleysay halkaasi.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan shacab ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya iyo rayid oo gurmad u fidiyey dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ka bixiyey qaraxaasi uu khasaaraha badan ka soo gaaray dadka shacabka ah.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa dhaba-gal ah ka fuliya gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, inkastoo aysan weli ka hadlin qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Mahadaay ee gobolka Sh/ Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this