Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad shacab ah oo qarax lagula beegsaday gobolka Sh/Dhexe iyo KHASAARE ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saaka dad shacab ah lagula beegsaday duleedka degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Miirtakhwo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in miinadu ay la kacday Mooto ay la socdeen dadkaasi, xilli ay marayeen gudaha deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan ahaa dad shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay waxyeeladu soo gaartay ay gurmad u sameeyeen dadka deegaanka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan degmada Mahadaay oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weerarada ceynkan oo kale ah iyo kuwo dhabgal ku qaada ciidamada huwanta, walow aysan ka hadlin qaraxaasi.

The post Dad shacab ah oo qarax lagula beegsaday gobolka Sh/Dhexe iyo KHASAARE ka dhashay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this