Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayao gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayey duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa xoogiisu wuxuu ka dhacay deegaanka Buulow oo hoos yimada magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, sid aay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dileen illaa 25 askari, ayna ku gubeen gaadiid dagaal, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladd ayaa saaka degan, balse ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this