Sign in to follow this  
Deeq A.

Azerbaijan Oo Weerar Culus Ka Fulisay Gudaha Armenia Iyo Heshiiskii Oo Burburay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Armenia)-Azerbaijan ayaa maanta sheegtay inay burburisay xarumo ku yaalla dalka Armenia oo laga soo rido gantaallo lagu weeraro goobaha dadweynaha ee dalka Azerbaijan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia ayaa qiratay in xarumo ku yaalla gudaha dalkaas la beegsaday, balse waxay beenisay in ciidamadeeda ay weerarayeen Azerbaijan, ayada oo iminka sheegtay inay qiil u haysato inay beegsato aagagga millatari ee gudaha dalka Azerbaijan.

Waxay u muuqataa in tani ay tahay markii ugu horreysay ee Azerbaijan ay duqeyso gudaha Armenia tan iyo markii dagaalka culus uu 27-kii September ka dhex-qarxay ciidamada Azerbaijan iyo gooni u goosatay gobolka Nogorno-Karabakh ee Armenia ay taageerto.

Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay inay burburisay gantaallo ballistic ah iyo hab gantaallo oo kale oo ku yaalla Armenia kadib weeraro kala duwan oo ay xalay ku qaaday. Afhayeenka wasaaradda difaaca Armenia Shushanb Stepanyan ayaa xaqiijisay weerarka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this