Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaaraha XF oo la kulmay guddiga dib u eegista Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan, kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha horyaala.

Hay’adaha qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ayaa R/Wasaaraha warbixin ka siiyey hawlaha u qabsoomay muddadii la soo dhaafay, waxayna sheegeen in la dhamaystiray dastuurka boqolkii sideetan iyo shan, haatanna loo baahan yahay in la guda galo ilaa 10 qodob oo masiiri ah kuwaas oo u baahan wadaxaajood siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in Xukuumaddiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka KMG , iyada oo xoogga la saarayo qodobada u baahan wadatashiga guud, maadaama la soo dhamaystiray inta badan qodobadii kale ee farsamo, waxa uuna bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka, kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

121485240_2820753898155726_2931672865744 121485421_2820753901489059_5449697931935 121573747_2820754041489045_8039100953569 121588264_2820753838155732_1939341740077 121616260_2820753711489078_2295692150041 121617205_2820753998155716_4785475055286 121619561_2820754058155710_5945999418556 121621060_2820753821489067_8891766120749 121624440_2820753968155719_4775657172110 121643580_2820753651489084_5506024196296 121650536_2820753778155738_5494973737623

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this