Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomalaiya oo ciidamo hor leh geysay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh geysay gobolka Gedo, kuwaas oo ka dagay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa la sheegay inay ku biiraan kuwa Xoogga dalka ee horey u joogay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay si gaar ah uga howl-gali doonaan xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Beledxaawo iyo Ceelwaaq.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa nabad-sugida ayaa ciidamadaasi waxa ay ku soo dhoweeyeen gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-13-696x464-1 3-9-696x464-2 4-7-696x464-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this