Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe ayaa waxaa ay sheegayan in maanta barqadii halkaasi uu ka dhacay weerar sababay dhimashada labo askari.

Weerarka ayaa yimid, ka gadaal markii xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay rasaas ku fureen askar ku sugneyd Bar-koontorool oo laga ilaaliyo Balcad.

Koontaroolka la weeraray ayaa ku yaalla wadada ka timaada dhanka degmada Afgooye, waxaana weerarkaas ku geeriyooday laba askari, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahanadii weerarka qaaday ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this