Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo kala dirtay Guddi shaqeynayay Lix sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland ayaa maanta kala dirtay Guddigii Maamulka Rugta Ganacsiga oo shaqeynayay tan iyo 2014.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Hirsi ayaa ku dhawaaqay kala dirida Guddiga Maamulka ee Rugta Ganacsiga, wuxuuna ugu baaqay gacsatada inay u diyaar garoobaan doorashada guddigaas.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha cusub ee Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland.

Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland ayaa muddo xileedkoodu yahay saddex sanno, balse kuwii ugu dambeeyay waxay shaqeynayeen lix sano.

PUNTLAND POST



The post Puntland oo kala dirtay Guddi shaqeynayay Lix sano appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this