Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda NISA Oo Gacanta Ku Dhigtay Maaddo Laga Sameeyo Qaraxyada

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen maadada laga sameeyo qaraxyada ee Sulfuric Acid iyo shaqsiyaadkii dalka soo geliyey.

Qoraalka ka soo baxay NISA oo laguna shaaciyey barta Twitter-ka ee hay’addaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka amnigu ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan  kiimiko 79 tan oo ah maadada Sulfuric Acid iyo dadkii waday.

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in loo waday dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli weeraro qaraxyo ah iyo dagaallo ka wada gudaha dalka.

Sidoo kale taliska NISA ayaa intaasi ku darty in dadka la soo qabay ay mari doonaan sharciga, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag.

“Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka waxa loogu yeero Aragagixisada,: ayaa lagu yiri qoraalka

Hay’adda NISA ma shaacin halka lagu qabtay kiimikadaasi laga sameeyo qaraxyada ee ay sheegtay in loo waday Al-Shabaab iyo tirada dadka gacanta lagu dhigay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this