Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dil ka geystay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Liiban Abeesow, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale marxuumka uu ka mid ahaa darawallada ka shaqeeya mootada nooca labo lugooleyda ah ee aada magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, ka gadaal markii uu muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaana ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban oo la xiriira dhacdadaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saarkiisha laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka bixiyeen falkaasi dilka ah.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka dhan ah shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ka shaqeeya mootooyinka ka geysta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this