Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xasaasi ah oo xalay ka dhacay Villa Soomaaliya + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi farmaajo, guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxa ay yeesheen kulamo gooni-gooni ah kuwaasi oo uu u jeedkoodu ahaa wada-tashiyo guud.

Wararka laga helay shirarkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in looga hadlay magacaabista xubnaha golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee dhowaan lagu dhawaaqi doono, maadaama xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono ay heysato waqti yar oo laga doonayo inay wax badan ku qabato, kuwaasi oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, sugida amaanka ee dalkaoo dhan iyo fududeynta arrimaha dib u eegista Dastuurka dalka

Shirarkaan wada-tashiga ah ee la xiriira soo magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxa ay ahaayeen todobaadkan kuwa si is-daba joog ah uga dhacayey xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in ra’iisul wasaare Rooble uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusu .

Rooble ayaa xilligii ay codka kalsoonida siinayeen xildhibaannada golaha shacabka waxaa uu ballan qaaday in illaa sideed qodob inuu diirada saari doono, kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin in wax laga qabto.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa intaasi ku daraya in golaha wasiirada cusub ay ka mid nooqn doonaan qaar ka mid ah kuwa hadda jooga, gaar ahaan kuwa ku dhow xiriirka dhow la leh xafiiska madaxweynaha , iyadoona guddoomiye Mursal uu wato xubno uu doonayo in lagu soo daro xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono, taas oo iyana laga wada-hadlay.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid degan, balse xukuumadda cusub ayaa looga fadhiyaa inay dardar-geliso qaban-qaabada doorashada soo socota ee 2020/21-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this