Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxaya gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa la taliyeyaashiisa sare u sheegay inuu doonayo qorshe uu ciidamadiisa ugu saarayo guud ahaan Soomaaliya.

Dadka sida gaarka ah ula socda xaaladdaasi ayaa sheegay in arintan ay qeyb weyn ka qaadan doonto ololaha doorashada isaga oo ballan qaaday in ciidamadiisa uu ku soo celin doono dalkooda.

Qorshaha ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa imaanaya, iyadoo Soomaaliya ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Aqalka Pentagon ee gaashaandhiga Mareykanka ayaa bilaabay qorista qorshaha madaxweynaha oo arrimahaasi kala hadlaya la taliyeyaashiisa dhinaca amniga.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 650 illaa iyo 800 oo askari marka la eego howl-galka AFRICOM,waxaana ciidamadaasi oo ah kuwo gaar ah ay kuwa Soomaaliya ka caawiyaan dhinaca tababarada.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this