Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay maaddo laga sameeyo qaraxyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Maaddada loo yaqaanno (Sulfuric Acid) taasi oo kamid ah wax yaabaha loo isticmaalo sameynta qaraxyada.

Hay’adda Nabad sugudda iyo Sirdoonka Waranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitterka ayay ku sheegtay in gacanta ay ku dhigeen 79 ee madadaasi Sulfuricga ah iyo shaqsiyaadkii keenay dalka,kuwaasi oo ay sheegtay in ay u gudbinayeen maleeshiyada Alshabaab.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay baaritaan sharci ah ay wajihi doònaan,iyadoo ay iska kaashanayaan hay’adaha kala shaqeeya la dagaalanka Argagixisada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this