Deeq A. Posted October 14, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa durbo ka fal-celiyey hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka ee ahaa in ciidamadiisa uu ka saarayo gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay barta Bloomberg oo faaloota ganacsiga ayaa sheegay in uusan dooneyn bixitaanka ciidanka Mareykanka ee haatan jooga Soomaaliya. Farmaajo ayaa sababta diidmadiisa la xiriiriyey dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaaab ee weli ka socda gudaha dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu jeclaan laan lahaa in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya, si ay u wiiqaan awooda Al-Shabaab. Dad badan ayaa sidoo kale ka digay qorshaha uu Trump uga saarayo ciidamada Mareykanka Soomaaliya, iyagoo xusay in Al-Shabaab ay weli halis ku yihiin dalka. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad kun askari, kuwaas oo saldhig ballaaran ku leh gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna caawiyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sidoo kale dhankooda duqeymo diyaaradeed ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri hadalkii Donald Trump? first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites