Deeq A. Posted October 14, 2020 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Kulankaas waxaa looga hadlay, soo magacaabista Golaha Wasiirada cusu oo weli aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaanada Golaha Shacabku ay Codka kalsoonida ah siiyeen Mr. Rooble. Sidoo kale, kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble waxa goob-joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, kaas oo qayb ka ahaa wada-tashiga. Kulanka ayaa ku soo beegmay, xilli Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble laga sugayo in uu soo magacaabo Golaha xukuumadda cusub. PUNTLAND POST The post Farmaajo Mursal iyo Rooble oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites