Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuunka Covid19 oo haleelay Ciyaaryahanka Caanka ah Cristiano Ronaldo

Recommended Posts

Deeq A.   

ronaldocovid.jpg

Xiriirka kubadda cagta ee dalka Portugal ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahan Cristiano Ronaldo uu ku dhacay cudurka COVID-19, islamarkaana iminka lagu hayo meel gooni ah.

Xaaladdiisa caafimaad ayay sheegeen in ay wanaagsan tahay islamarkaana uusan qabin wax calaamado ah oo cudurkaas reebay.

Ciyaar uu dalkiisa u bixi lahaa dalka Swedan ayaa laga reebay, sababo la xiriira cudurkaas laga helay.

Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan dalka Portugal, waxaana uu dhaliyay 101 gool oo uu ciyaaray 167 kulan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this