Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaanka Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea Oo Ku Shiraya Adis-Ababa+Shaki laga muujiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyayaasha Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo kulan ku leh Addis Ababa

Addis-Ababa.jpg

Madaxda Sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir uga socda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saddexda dal oo faahfaahinaya kulanka ay saddexda mas’uul ee ugu sareeya sirdoonka wadamadooda ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmay kadib booqashadii todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay dalka Itoobiya.

Siyaasiyiin badan ayaa shaki ka muujiyay in shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo is xulufsi siyaasadeed.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in taliyaha sirdoonka dalka Soomaaliya Fahad Yaasiin uu u gudbay dalka Turkiga kadib markii uu soo idlaaday kulanka ay wada yeesheen taliyaasha sirdoonka dalalka Itoobiya Iyo Eritrea.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this