Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Axmed Ciise Cawad: “Madaxweyne saf loo galo dowlad kuma hormarto”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan fahamka dowladnimada ee dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in xil loo kala cararo aysan ku hormari karin dowladnimada Soomaaliya, waxuuna hadalkan ka jeediyay xaflad lagu daahfurayey xarun cilmi baaris oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Waxay Soomaalida danu ugu jirtaa inay dowladnimada ilaashadaan, dowladda casriga ah qof kaliya ma maamuli karo, madaxweyne saf loo galo iyo wasiir saf loo galo dowlad kuma hormarto,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Waxa uu sheegay in hanaanka kaliya ee dowladi ay ku hormari karto uu yahay nidaam dhisma, balse dadka Soomaaliyeed aysan ehel u heyn kala dambeyn iyo nidaam dowladnimo oo dhisma.

Hoos ka Daawo

The post Wasiir Axmed Ciise Cawad: "Madaxweyne saf loo galo dowlad kuma hormarto" first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this