Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator KENYAN oo tirtay qoraal ay ku sheegtay ‘codsi Kheyre u gudbiyey Kenya iyo ballan-qaad uu sameeyey’

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Senator Falhada Deqow Iman, oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Kenya, ayaa tirtay islamarkaana raali-gelin ka bixisay qoraal la xiriiray faah-faahinta kulan maanta ka dhacay Nairobi oo uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Falhada ayaa ka mid aheyd xildhibaano iyo Senator Somali-Kenyan ah oo maanta la shiray Kheyre.

Qoraalka ay soo dhigtay facebook ayey Falhada ku sheegtay in Kheyre, oo ku jira olole doorasho, uu Kenya weydiistay inay gacan siiso.

“Waxa uu sheegay inuu diyaariyey isbedello badan oo lagu sameynayo dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaasi oo keeni kara in labada dal ay si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayey Falhada ku tiri qoraalka la tiri.

“Waxa uu ballan-qaaday inuu xoojin doono xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, uuna xal waara u heli doono muranka badda ee u dhaxeeya labada dal.”

Si kastaba, Falhada ayaa qoraalkaas tirtay daqiiqado kadib, islamarkaana ka bixisay cudur daar iyo raali-gelin xooggan.

“Inkasta oo kulanka uu ka dhacay Nairobi, haddana waxyaabihii looga hadlay ma ahayn kuwa qoraalkii lagu sheegay. Sidaas darteed qoraalkii , wuxuu ahaa mid marin-habaabin ka ah dhinac kasta,” ayey tiri.

“Aniga iyo xafiiskeygaba waxaan si weyn uga xunahay dhaawac kasta iyo carqalad kasta oo uu qoraalkaas sababay.”

Hoos ka arag labada qoraal
EkOES3EX0AYTSAg.jpeg EkOES3FXkAAh6ye.jpeg

The post Senator KENYAN oo tirtay qoraal ay ku sheegtay 'codsi Kheyre u gudbiyey Kenya iyo ballan-qaad uu sameeyey' first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this