Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijo kasoo baxday Baadhitaan labaad oo la marsiiyay maydka marxuum Cali Khaliif

Recommended Posts

Deeq A.   
Natiijo kasoo baxday Baadhitaan labaad oo la marsiiyay maydka marxuum Cali Khaliif
 20201013637381595667042411.jpg

Baadhitaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabo cudurka Covdi19, taasoo meesha ka saartay shaki horey loo qabay.

Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ee beelaha Sool clan ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baadhitaanka, kadib markii ay horey u dalbadeen in baadhitaan labaad la marsiiyo.

Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuumku uu u geeriyooday sabab kale.

Cali Khaliif ayaa sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay.

Marxuumka ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo eheladiisu codsadeen in lagu aaso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this