Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Nin ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Cascasay oo xukun lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1602586184558.jpg?resize=720%2C48

Maxakamadda ciidamada ee Jubbalanad ayaa xukun ku riday Deeqow Caliyow Kuusow oo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Madiina Ex. Cascasay oo Al-shabaab geysteen 12-kii bishii July ee sanadkii 2019.

Deeqow oo la sheegay inuu ka dhex-dagaalamay gudaha huteelka, isagoo dhaawac ahna la qabtay, hadana ah naafo ayaa maanta lagu riday xakun dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed guddoomiye ku xigeenka Maxkamdda cidamada qalabka sida ee Jubbaland.

Weerarkii sanadkii hore Al-shabaab ku qaadeen Hotel Madiina Ex. Cascasay waxaa ku dhintay 26 qof, halka ay ku dhaawacmeen 56 qof oo kale.

Dadkii caanka ahaa ee weerarkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid iyo wariye Maxamed Sahal Cumar [Gacma-dheere oo ka tirsanaa warbaahinta madaxa bannaan.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Nin ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Cascasay oo xukun lagu riday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this