Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Hub Kale Siinaya Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanku wuxuu mar kale qorshaynayaa hub kala duwan oo casri kaas oo loo gacan galinayo jasiiradda Shiinaha ka goosatay ee Taiwan.

Aqalka Cad ayaa wada heshiis balaayiin dollar ku kacaya oo Taywan lagu siinayo diyaarado, gantaalada ridada dheer iyo hub kale.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa heshay nuqulo codsi ah oo xukuumadda Trump ay u dirtay Koongareeska Maraykanka, si ay u darsaan heshiiska cusub ee ay damacsanyihiin kadibna u ansixiyaan ka hor inta aanay dawladdu saxeexin.

Hore xukuumadda Beijing waxay u deedifaysay oo ay si adag ugasoo hor jeedsatay hub hore uu Maraykanku uga iibiyay Taywan.

Warqad ay safaaradda Shiinaha ee magaalada Washington u dirtay Aqalka Cad ayaa lagu xusay in Maraykanku uu ka laabto qorshihiisa, hadii kale ay dhaawici doonto tallaabadaasi nabadda gobolka isla markaana xumayn doonto xidhiidhka Shiinaha iyo Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this