Deeq A. Posted October 13, 2020 Budhcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay hawl-gallo ka wadaan Biyaha dalka Nigeria iyo Gacanta Guinea. Sidaana waxa soo weriyey isla-markaana daabacay Wargeyska Punch. “Waxaan xaqiijinay xidhiidh ka dhexeeya dambiyada ka dhaca baddayada iyo dhaqdhaqaaqyada budhcad-badeedda Soomaalida..” ayuu yidhi Madaxa Hay’adda Badbaadada Maamulka Badaha Nigeria Dr. Bashir Jamoh oo Wargeysku soo xigtay. Masuulkani waxa kale oo uu sheegay in Budhcad-badeeda Soomaalidu ay isaga gudbaan Xeebaha Soomaaliya illaa kuwa Xeebaha Galbeedka Afrika, iyagoo Aakhirkana hawl-galladooda ka fuliya biyaha Nigeria. Masuulkan ayaa ka dayriyey sida Budhcad-badeeda Soomaalidu hawlahoodu xawliga ugu socdaan, isagoo xusay inay xitaa beriga Nigeria u gudbaan isla-markaana ay Doonyo ka kiraystaan “Waxay xitaa soo galaan xuduudaha dhulka, waxayna kireystaan doonyo u fuliya hawlahooda..” ayuu yidhi. Source Share this post Link to post Share on other sites