Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay degmada Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowlada, waxaana ay intaasi ku dareen inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro dhul.

Xaafad magaceeda lagu sheegay Xaawa Casir oo ka tirsan degmada Karaan ayaa la sheegay in uu dagaalku si gaar ah kaga dhacay.

Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, halka dhaawacana lagu sheegay illaa labo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaalada ayaa haatan degan, inkastoo xiriiro aan la sameynay maamulka degmada ay ka jawaabi waayeen wicitaanadeena.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this