Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo xukun dil ah ku riday Deeqow Caliyow Kuusow

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamdda ciidamada qalabka sida ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Deeqow Caliyow Kuusow oo ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii hotel Madiina Ex Cascasey oo maanta loo fariisatay gal dacwadeed la xiriira weerarkii iyo is-miidaamintii ka dhacday Hotelkaasi 12-kii bishii  July ee sanadkii 2019- kaasoo ay gaysteen afar ka tirsan Al-Shabaab.

Xeer ilaaliyaha maxkamdda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Maxamed Axmed Yaasiin ayaa ugu horreyn maxkamdda ka hor akhriyay dambiyada loo hesyto Deeqow Caliyow Kuusow iyo waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Intii ay socotay dhageysigga dacwadda ayaa Deeqow Caliyow maxkmadda ka hor qirtay dhammaan eedeyntii iyo cadaymihii lagu helay, isagoona qirtay in uu ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana uu si bareer ah u dilay dad aan waxba galabsan.

Sidoo kalde wuxuu maxkamadda ka codsaday in la cafiyo, islamarkaana loo qafiifiyo xukunka adag ee lagu riday.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this