Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo kala dhex-galay maleeshiyaad ku dagaalamay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga ayaa maanta ciidamo kala dhex-galay dad beeraley ah oo shalay dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Shiirkaneeco oo 15 KM u jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiraan.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in haatan wadaan dadaalo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo dadka xoola dhaqatada ah ee dagaalamay

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay magaalada Baladweyne.

Inta badan dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geysta ayaa ku soo laa-laabta gobolka Hiiraan ee baratamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this