Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo La Kulmay Ehelada Marxuum Cali Khaliif Galeydh

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Marxuum Cali Khaliif Galeydh ee ka qeyb galay Aaskii loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta Soomaaliya.

“Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleydh ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Cali Khaliif Galeydh.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY EHELADA IYO QARAABADII MARXUUM CALI KHALIIF EE KA SOO QEYB GALAY AASKII QARAN

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Marxuum Cali Khaliif Galeydh ee ka qeyb galay Aaskii loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta Soomaaliya.

“Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleydh ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Cali Khaliif Galeydh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this