Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Somaliland oo xalay lagu dilay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga maamulka Somaliland.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka xerada Warshadda Kabista magaalada Hargeysa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka sarkaalkaasi loo adeegsaday rasaas, waxaana goobta lagu toogtay meydka marxuumka ka soo qaaday ciidanka ammaanka.

Saraakiisha dambi baarista maamulka Somaliland ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this