Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbalooshe: Waare waa nin jiis ah, lugta kalena ay geed uga xirteen Cali Guudlaawe, Cismaan Barre iyo Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda HirShabelle iyo doorashooyinka maamulkaasi.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in HirShabelle oo ka yar maamullada kale ee dalka ay hadda joogto meel ka hooseyso sidii lagu dhisay 2016-kii, wuxuuna tilmaamay inay isku biirsadeen daruufo adag, sida ammaanka, fatahaadaha iyo horey u socod la’aan intaba.

Taliyihii hore ee NISA ayaa soo hadal qaaday dooda ka taagan doorashada HirShabelle, gaar ahaan kursiga madaxweynaha, isagoo hoosta ka xariiqay in markii horeba aan is-ogol lagu dhisin HirShabelle, balse madaxweynaha la siiyey Hiiraan iyo caasimadana Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar-weliba ay muhiim tahay in la dhowro waxa ay dadku heshiis ku yihiin ama doorasho lagu kala baxo.

“Anigu ma aaminsani in kursiga reer hebel u sun-tanyahay, laakiin waxaan aamin-sanahay dadku inuu ku heshiiyo ama doorasho inuu wax ku kala helo,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay kursiga madaxweynaha isku laheysiineyo beesha ka soo jeedo ee Xawaadle ayaa wuxuu ku jawaabay  “Dadka hadda Xawaadle wax ka tabanaayo waxaa la rabaa in iyaga naftooda haddii ay run sheegayaan Raadiyaha inay ka qeyliyaan maahinee ama ay ka doodaan maahinee waa walaalahood inta ay u yeertaan inay u gar dhigtaan, haddii xittaa ay is fahmi waayaan dad u kala gar qaadi kara oo dhex-dhexaadin kara ayaa jira,”

Siyaasiga Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dhibaatada ugu daran ay ka socota dhanka dowladda federaalka, isaga oo ku eedeeyey inay iska horkeeneyo dhinacyada hadda isku haya doorashada HirShabelle.

“Meeshaan dowladda ayaa dadka isku direyso saaxibkey Mahad Salaad ayaa wuxuu dhihi jiray waxbaa la’isku qataaraa sidii ay ahaan jirtay oo Ahlu Sunna iyo Xaaf la’isku qataaray, Axmed Madoobe iyo Team-kiisa la’isku soo qataaray oo kale waaye,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale taliyihii hore nabad-sigida ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna tilmaamay inuu rakaato ku jiro, islamarkaana uu dhexda u galay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waare waa nin sida aad la socoto jiis ah lugtuu ka jiran yahay mo’ogiyee tan kale Cali Guudlwaawe, nin la yiraahdo Sheekh Cismaan  iyo fahad yaasiin ayaa geed ku xirtay oo nin argagixiso lagu hayo waaye,” ayuu markale yiri Mr. Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Ninkaas nin la yiraahdo Nabad iyo Nolol ayaa sida sheydaankii biyo la ag-fadhiyo Cali Guudlaawe iyo ninka baarlamaanka joogana Bistoolad ayey madaxa uga haayaan marka nin xoreyn u baahan waaye,”

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in HirShabelle ay u baahan tahay bad-baado, iyo hogaamiye ay kalsooni ku qabaan shacabka labada gobol oo samata bixin kara.

“Qof kasta oo imaanaayo meeshaas waxaa muhiim ah kalsoonida shacabka inuu heysto,” ayaa hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf xoogan uu hareeyey doorashada HirShabelle, iyada oo muddo xileedkiina uu ka dhamaaday madaxda sare ee maamulkaasi.

The post Sanbalooshe: Waare waa nin jiis ah, lugta kalena ay geed uga xirteen Cali Guudlaawe, Cismaan Barre iyo Fahad Yaasiin first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this