Deeq A. Posted October 12, 2020 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay mas’uuliyiin cusub oo kamid ah hay’adda garsoorka Galmudug. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu magacaabay guddoomiyeyaasha maxkamadaha racfaanka, maxkamadaha gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug. Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;1-Saciid C/raxmaan Shiikh: Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Galgaduud2- Maxamed Cabdi Kadiye: Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Galgaduud.3-Jimcaale Cali Salaad: Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.4- Cabdirisaaq Cali Yusuf: Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.5-Cabdullaahi Cali Cumar: Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug.6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi: Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug. Wareegtada magacaabida ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Galmudug uu magacaabay xubnahan markii uu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay mas’uuliyiin garsoor appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites