Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo caawa magacaabay lix xubnood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Wareegto caawa ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu magacaabay afar guddoomiye maxkamad iyo laba xeer ilaaliye ku xigeenno.

Guddoomiyeyaashaas ayaa loo kala magacaabay maxkamadaha gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, waxayna kala yihiin.

1-Saciid Cabdiraxmaan Sheekh guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Galgaduud.

2- Maxamed Cabdi Kadiye guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Galgaduud.

3-Jimcaale Cali Salaad Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.

4- Cabdirisaaq Cali Yusuf  guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.

Sidoo kale wareegtadan caawa ka soo baxday xafiiska madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu magacaabay laba masuul oo ku xigeenno u noqonaya xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug, kuwaas oo kala ah, Cabdullaahi Cali Cumar iyo Cabdixakiin Maxamed Xirsi.

“Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.

 

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo caawa magacaabay lix xubnood first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this