Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay weerar qorsheysan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey duleedka deegaanka Balanballe.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga ayaa dhaawacmay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii ka dambeysay weerarka ay goobta isaga baxsadeen.

Dhacdadaan ayaa ‘salka ku heyso’ dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi, iyaga oo baadi goob ugu jiro kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this