Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Xukun lagu ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
20201011_215810.jpg?resize=720%2C321&ssl

Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee gobollada Nugaal iyo Sool ayaa maanta oo Axad ahayd xukun ku riday saddex dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay A-shabaab.

Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal Puntland iyo -Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo ah guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Nugaal iyo Sool.

20201011_215848.jpg?resize=720%2C323&ssl

Sidoo kale maxkmadda ciidamada ayaa Maxamed Ibraahim Isaaq oo 16 sanno jir ah la sheegayna inuu la socday ragga kale, ku wareejisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.

Xeer Ilaalinta ayaa saddexda dhallinyarada ah ku eedeysay inay tababaro A-shabaab ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, kadibna u soo safreen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Maxkamada ayaa tilmaantay in xukunka saddexda eedeysan uu ka furanyahay racfaan 30 cisho ah.

PUNTLAND POST







The post Garowe: Xukun lagu ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this