Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta Oo Doonaya In La Xidho Saldhig Turkigu Ku Leeyahay Qadar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidammada Turkiga ee jooga Qatar waa qeyb ka mid ah xasilooni darrada gobolka Khaliijka, waxaa sidaas yidhi sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta, oo intaas ku daray inay uga sii darayaan kala qeyb-sanaanta gobolka.

Imaaraadka Carabta iyo xulufo Carbeed oo ay qeyb ka yihiin ayaa go’doon geliyey Qatar badhtamihii 2017, waxayna dalbadeen in la fuliyo shuruudo ay ka mid yihiin in Doha ay xidho saldhigga millatari ee Turkish-ka ay halkaas ku leeyihiin.

Ankara iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale kala taageera dhinacyada isku haya dagaalka Liibiya.

“Jiritaanka saldhigga Turkiga ee Gacanka Carbeed waa xaalad deg deg ah,” ayuu yidhi Anwar Gargash oo ah wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Turkiga oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

“Waxa uu xoojinayaa kala qeybsanaanta, mana ixtiraamayo madax-banaanida dalalka gobolka, danaha dalalka Khaliijka iyo shacabkooda.”

Mareykanka oo doonaya in dalalka Khaliijka ay u midoobaan Iran ayaa isku dayey inuu xaliyo muranka Qatar iyo xulufada Carbeed ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaamiyaan, hase yeeshee weli kuma guuleysan.

9-kii September, diblomaasiga ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Bariga Dhexe David Schenker ayaa sheegay inuu jiro horuamr toddobaadyadii tegay laga sameeyey xalinta xiisaddan.

Diblomaasiyiin iyo ilo-wareedyo ku sugan Khaliijka ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu jiro wada-hadal u dhaxeeya Riyadh iyo Doha, kadib wada-hadalladii burburay horraantii sanadkan, hase yeeshee ma jiraan wax astaamo ah oo muujinaya horumar laga sameeyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this