Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus, la’iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay duleedka deegaanka Xananbuure ee gobolkaasi

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, balse waxaa maleeshiyaadka labada dhinac kala dhex-galay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda dadaallo ay wadaan waxgarada deegaanka oo lagu kala dhex-dhexaadinayo labada dhinac.

Inta badan waxaa gobolka Galgaduud ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geysta oo dhex-maray maleeshiyaad ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this