Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo Ciidamo dheeraad ah geysay xadka Soomaaliya & Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya & Kenya.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo cusub ayka bilaabeen halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo, Ismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ayaa sheegay in ciidamadaas ay sugi doonaan amniga xadka labada dal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaasi ay yihiin kuwo horey uga howl-galayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyadan cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay xad-gudubyo ka geysanayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this