Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya oo ciidamo badan geysay xadka, kadib hanjabaaddii Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda federaalka ciidamo dheeraad ah ay geysay xadka ay la wadagaato Kenya.

Ciidamada ayaa waxaa la dhigay xad-beenaadka labada dal, gaar ahaan degmooyinka Beled-Xaawo iyo Mandera, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus.

Sidoo kale deegaanada la geeyey ciidamadaas ayaa waxaa horey ugu sugnaa askar ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan kuwii dagaalka la galay wasiir Janan.

Bakaal Kooke oo ah taliyaha ciidanka xasilinta gobolka Gedo oo la hadlayey ciidamadaasi ay faray inay xoojiyaan amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nagad-gelyada.

Sidoo kale wuxuu amray inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa xadka Soomaaliya oo dhowaan ay isku rasaaseeyeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya.

Si kasbata ha’ahaatee tallaabada cusub ee ay qaaday dowladda dhexe ayaa ku soo aadeysa, xilli Kenya ay soo dirtay warqad digniin ah, islamarkaana ay ku sheegeyso inay beegsan doonaan ciidamada Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxaa ka dhex jiray xiisado xoogan, kuwaas oo ka dhashay kiiska Badda oo weli horyaalla maxkamadda ICJ.

2-7.jpg 3-5.jpg 4-3.jpg 1-9.jpg

The post Sawirro: DF Soomaaliya oo ciidamo badan geysay xadka, kadib hanjabaaddii Kenya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this